Hordhac | Préface |
Buuggan la magac baxay Heeso carruureed waxa lagu soo ururiyey heesa hawleedka dumarka, siiba kuwa dhallaanka ay ugu heesaan iyaga oo hawl maalmeedkooda gudanaaya loona yaqaanno « Heesaha hoobey hoobeyda », waana jaad suugaanta ka mid ah oo ay haweenku gaar u leeyihiin. Heesaha intooda badan waxa ururiyey (Eebbe ha u naxariistee) Siciid Axmed Warsame oo ka hawlgali jiray Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti (CERD), dhintayna 2013. Waxa uu heesahan ka ururiyey 1980 maadkii ayeeyooyin reer Jabuuti ah iyo kuwo ka soo jeeday waqooyiga Soomaaliya amma qaybta imika la magac baxday Soomaaliland. Anna waxaan ku daray in kale oon ka duubay hooyaday Xabiba Warsame Jibriil 2019kii. Labadan qof iyo dumarkaa aqoontoodii soo tabiyey la’aantood buuggani ma soo baxeen. Heesahan waxa laga yaqaan geyiga soomaaliyeed oo dhan iyaga oo mar mar wax yar ku kala duwan. Marka ay si dabeeci ah u heesayso hooyadu waxay isku dartaa tuducyo ay ku ammaanayso, ay ku dhiirri galinayso, ay ugu waayo celinayso amma ugu ducaynayso kuwa ay ku ammusiinayso ilmaha. Heesahan waxa loo kala saaray laba qaybood : Qaybta hore hablo iyo wiilalba waa loogu heesaa, marba hooyada ayaa dhidigaysa amma lab ka dhigta heesta ay ugu heesayso ilmaha ay dhabta ku hayso. Heesahaasi waa kuwa hooyadu ku heesto marka uu ilmuhu luloonayo amma gaajoonayo amma uu xanuunsan yahay. Qaybta labaad oo wax sheeg ah waxay ka kooban yihiin ammaan, waano amma hogo tusaale. Heesaha hooyaduna way kala duwan yihiin marka ay wiil u heesayso iyo marka ay gabadh u heesayso. Marar kale hooyadu iyadaa iska hadlaysa oo dhalliil iyo cabashadeeda soo jeedinaysa amma wax qabadkeeda soo bandhigaysa. Buuggan oo daabacadii koobaad ah, heesaha waxa loo kala saaray mawduucyo halka sida caadiga ah hooyadu kolba mawduuc u boodo si ay u tusto wax-qabadkeeda iyo hal-abuurkeeda. Sidaa daraadeed heesaha ku duuban cajaladdani la socota buuggan waxay isku daba socdaan sida ay buuggan ugu qoran yihiin. Sidaa oo ka duwan sida caadiga ah ee ay u heesaan dumarku. Labadaa qaybood waxaan u kala bixiyay : sabid iyo maaweelo. Qaybta sabidda waxa ku jira heesaha hooyadu ilmaha ay kula hadlayso oo ay ku aammusiinayso kolka ay hurdo, gaajo amma xanuun hayo. Heesaha nuucan ah way ka gaagaaban yihiin kuwa maaweelada. Heesaha nooca labaad ee maaweelada ahi way ka dhaadheer yihiin, way ka suugaanaysan yihiin, mawduucyada ku soo aroorayna way ka badan yihiin kuwii qabta koobaad. Aalaaba, hooyadu waxa ay ugu heestaa habeenkii marka hawlaha maalintu ay ka kala yaraadaan ee ay wakhti haysato. Xilliyadaa, ilmaha oo ku tiirsan laabta hooyadii ayaa ku laamadooda luuqdeeda ay tirinayso habeenka oo sii galbanaaya. |
Le présent recueil, Heeso carruureed, réunit des « Chansons pour enfants », des berceuses, qui sont chantées par les femmes dans leurs activités quotidiennes. Il s’agit d’un genre versifié exclusivement féminin. Les textes proviennent, en grande partie, d’une collecte réalisée dans les années 80 par Said Ahmed Warsama, un linguiste djiboutien, décédé en 2013. Ils ont été recueillis auprès de femmes originaires du nord de la Somalie (l’actuel Somaliland) et de Djibouti. Je les ai complétés par des enregistrements effectués en 2019 auprès de ma mère, Habiba Warsama Djibril, à Djibouti. Ce livre doit beaucoup à toutes ces personnes. Les chansons se rencontrent, avec de légères variantes, sur l’ensemble de la Somalie et à Djibouti. En contexte naturel, les mères ou les grands-mères enchaînent les vers en lien direct avec les pleurs de l’enfant. Elles y intègrent également des considérations plus générales sur la vie, des conseils, des souhaits, des prières ou des éloges. Les chansons se répartissent ainsi, en deux catégories : la première est destinée aux enfants, qu’ils soient filles ou garçons, la mère mettant au féminin ou au masculin son texte selon le cas. Dans la deuxième catégorie, le contenu — des louanges, des prières ou des conseils — varie selon le sexe de l’enfant ; par ailleurs, les chansons ne concernent pas uniquement l’enfant ; elles servent aussi de moyen d’expression à la mère pour se mettre en valeur, exposer ses plaintes ou lancer des imprécations contre ses ennemis. Dans cette publication, les textes sont regroupés par thèmes, alors que, dans la pratique, les femmes « papillonnent » d’une thématique à une autre. Elles montrent ainsi toute l’étendue de leur répertoire et leur capacité d’adaptation et d’improvisation. Les enregistrements qui accompagnent ce petit livre ne sont donc pas issus des performances naturelles ; il s’agit au contraire d’une oralisation des textes dans l’ordre du plan du recueil. J’ai classé les chansons en deux catégories, sabid et maaweelo. J’ai regroupé dans la catégorie de sabid (du verbe sab « calmer un enfant en lui promettant quelque chose »), les textes dont les thèmes sont en lien direct avec ce mot. Ce sont des chansons pour calmer l’enfant qui a faim, qui est malade, qui veut dormir… Elles sont moins longues que celles de maaweelo, « divertissement ». En effet, dans cette seconde catégorie, les chansons de la mère sont plus développées, plus poétiques et les sujets abordés plus variés. Elles sont chantées habituellement le soir, quand la mère, après ses occupations de la journée, dispose d’un temps libre à consacrer à son enfant. Ces instants d’intimité où mère et enfant se retrouvent sont propices à des déploiements poétiques, et la mère peut s’adonner à des louanges pour son enfant. Généralement tenu sur les genoux de sa mère (ou sa grand-mère), la tête appuyée contre la poitrine, l’enfant est bercé, saisi par les vibrations lentes et étirées de la voix maternelle dans la nuit qui avance. |